Dowlada wadanka Zambia ayaa 22 bishaan wadankeeda kasoo Tarxiishay ganacsade, Cabdulaahi Axmed Yare “Guutaale” oo dalkaasi
daganaa sida uu sheegay muddo 26 sano ah.
Guutaale oo waraysi siiyay warbaahino kala duwan ayaa ku eedeeyay
ganacsato ay kala beel yihiin oo dagan wadankaasi in ay deegaan ahaan u
beegsadeen.
“Aniga deegaan ahaan ayaa la ii beegsaday waana la arki doonaa waxa dhici
doona ayuu ku hanjabay” walaw uusan faah-faahin ka bixin.
Warar ay heshay Garowe Online ayaa sheegaya in Guutaale uu haysto
dhalashada wadankaasi isla markaana horey sidaan oo kale looga tarxiilay
dalkaas isla markaana aysan ahayn markiisi ugu horaysay.
Ganacsadahan ayaa ku xaniban sida uu sheegay garoonka diyaaradaha ee
caasimada wadanka Itoobiya isaga oo intaasi ku daray in xoolihiisa iyo
dharkiisi xitaa uusan meel ku ogayn.
Jaaliyadaha soomaalida ee inta badan dalalka caalamka ayaa isku haysta
hogaanka ururo iyo jaaliyado aanan shaqo aan ka ahayn u xafladaynta iyo u
heesida madaxda xiliyada qaar dalalkaasi tagan walaw mida Zambia ay sidaas
ka duwan tahay oo ay dhaqaalaha xooga saaraan.