Waa wax iska caadi ah in lammaaneyaashu ay sariiro kala duwan ku seexdaan mararka qaar, sida marka midkiin uu safro, ama uu la ildaran yahay xanuun.
Daraasado ayaa muujinaya in lammaanaha haddii ay seexdaan laba sariir ama laba qol ay leedahay faa’iidooyin maskaxeed iyo kuwa caafimaadba. Sida lagu daabacay bogga relationshipsnsw.org.au.
Waxaa halkaan idinkula wadaageynaa shan faa’iido oo ay leedahay in lammaanayaasha ay seexdaan sariiro kala duwan.
Hurdo fiican
Marka la eego aragtida dhabta ah, in lammaanaha ay seexdaan sariiro kala duwan waxay sare u qaadi kara tayada hurdada.
Marka aadan lammaanahaaga kala kulmin waxyaabaha hurdada kaa carqaladeynayo sida rafashada iyo khuurada waxaad heleysaa hurdo iyo nasasho fiican.
Taasina waa war wanaagsan, sababtoo ah hurdo aan kala go’ lahayn ayaa lagama maarmaan u ah caafimaadka guud ee qofka.
Dhab ahaantii, hurdo la’aantu waxay kordhisaa khatarta ah inaad ku dhacdo xaalado caafimaad oo halis ah, oo ay ku jiraan cayilka, sonkorowga iyo cudurada wadnaha, sida uu qabo Harvard Medical School.
Muranka lammaanaha
In lammaanaha ay labo sariirood kala seexdaan ama laba qol waxay hor seedi kartaa inuu yaraado muranka oo isna hor seedo inuu qofka hurdada ka qasanto.
Cadaadiska kulanka lammaanaha oo yaraada
Lammaanayaasha qaarkood, kulanka ka hor xilliga jiifka ayaa waxa uu u noqday caado. Laakin haddii maalintaada ay dheereyd ama aad u soo daashay oo aysan niyaaddaada ku jirin inaad lammaanahaaga la xaajooto, waxaa laga yaabaa inaad ka walwasho inaad inaad diido lamaanahaaga.
Balse marka ay lammaanayaasha seexdaan sariiro kala duwan, waxaa meesha ka bixi karto rajada ah inaad galmo samayso, sida ay qabto Overstreet oo ku taqasustay arrimaha qoyska.
Dadka jecel inay sariirta keli ku noqdaan
Waxaad samayn kartaa tan marka aad ku seexato sariiro kala duwan. Uma baahnid inaad meel u kaydiso xaaskaaga ama qof kale si aad u seexato sidaad rabto.
Dadka qaar ayaa jecel inay keligood sariirta seexdaan ama ay isku ballaariyaan sidaas darteed dadka noocaan ah marka ay lamamaano noqdaan waxaa ay dareemaan ciriiri iyo raaxo la’aan sidaa darteed waxay u baahan yihiin inay sariirta ka helaan boos ku filan marka qof noocaan ah ayaa waxaa caawin kara inuu helo ama hesho sariir gaar ah.
Si kale haddii loo dhigo, waa inaad awood u yeelatid inaad hesho boos kuu ogolaanaya inaad ku raaxaysato.
Waxaad ku kici kartaa jadwalkaaga
Waxa laga yaabaa inay u baahdaan inay goor hore kacaan si ay shaqada u aadaan marka ay dhawr saacadood seexan karaan.
Waxaa laga yaabaa in sababta ay lammaanaha sariiro ama qolal kala duwan u seexdaan ay sababi karto in jadwalkooda shaqada uu kala duwan yahay oo qof ka mid ah uu aroor hore kaco halka qofka kalana laga inuu markaasbo saacado yar jiifay oo qofkii hurdada ka carqaladeeyo. Marka haddii qofka uu seexdo qol kale waxaa uu ka badbaadayaa inay hurdada ka xumaato.
Laakiin lamaanaha inta aysan go’aansan inay seexdaan sariiro ama qolal kala duwan waxaa looga baahan yahay inay qodobbadaan tix-geliyaan.
1: Haddii Hurdadaada ay saameyn ku yeelaneyso inaad sariir la wadaagto lammaanahaaga.
2: Haddii aad inta badan dagaalantaan ama aad murantaan.
3: Haddii qofkiin uu wajahayo isku buuq badan.
4: Haddii ay saameyn ku yeelaneyso xiriirkiina.