Tababaraha Manchester United ayaa qaatay go’aan cusub oo ku saabsan xiddiga reer England ee Jadon Sancho.
Sancho ayaa qaadanaya tababar kaligiis ah tan ilaa bishii September ee la soo dhaafay iyada oo xididga laga fogeeyay kooxda 1-aad tan ilaa kulankii Arsenal.
Xiddiga iyo Tababaraha ayaa is dhaafsaday hadalo taas oo keentay in ay Man United shaaciso in uuna xiddigu tababar la qaadan doonin kooxda ilaa uu raali galiyo tababaraha
Sida laga soo xigtay The Sun, Tababaraha kooxda Man United ayaa Jadon Sancho ka saaray Group-ka “Whatsapp-ka” ee kooxda.
Tallaaban ayaa imanaysa xilli xiddiga lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda marka la gaadho suuqa January.
Kooxda Dortmund ayaa doonaysa in ay xiddiga dib ula wareegto kadib markii uu iyaga kaga soo biiray markii hore.