Tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Manchester United Erik ten Hag ayaa qirtay inuusan awoodi karin inuu qaab ciyaareedkiisii fiicnaayee Ajax ka dhaqan galiyo Man United.
53 jirka reer Netherlands ayaa ka mid ahaa tababarayaasha ugu fiican qaarada yurub sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa isaga oo Ajax xitaa gaadhsiiyay Semi-Final-ka champions Leageu.
Xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee uu hogaamiyo Man United Ten Hag ayaa United kula guulaystay koobka EFL halka uu sidoo kale geeyay kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa tan iyo markii uu billowday xilli ciyaareedka cusub ku dhibaatootay in ay si fiican u ciyaarta iyada oo la kulantay 5 guuldaro 10-kii kulan ee ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.
Ten Hag ayaa haatan qirtay in uuna awoodi karin in uu kooxda Man United ka soo saaro qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ka soo saaray Ajax.
mar la waydiiyay in uu Man United ka dhaqan galin karo qaab ciyaareedkii Ajax ayuu Ten Hag yidhi”Maya, marna uma ciyaari doonto Man United sidaas oo kale sababta oo ah xiddigaha Ajax ayaa aad uga duwan kuwa Man United”.
“Tani sidoo kale maaha sababta aan halkan u imid, waxaan ciyaareynaa kubad ka duwan tii aan kusoo bandhigay Ajax sababtoo ah waa inaan sameeyaa, sababtoo ah ma ciyaari karo si isku mid ah, ciyaartoyda ayaa go’aaminaya sida aad u ciyaareyso”.