Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay in ay waaxda caafimaada chelsea ay ka dambaysay go’aankii xiddiga Reece James looga reebay waajibaadka xulka qarankiisa England kulamada caalamiga ah ee soo socda.
Reece James ayaa ka mid ahaa liis xiddigo ah oo ka maqnaa Liiskii uu tababaraha xulka qaranka England u soo saaray kulamada caalamiga ah.
Kabtanka chelsea ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawac waxana uu ku bilowday kaliya 2 kulan tartamada oo dhan.
Pochettino ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan u maleynayaa inaysan marnaba ahayn go’aanka ciyaaryahanka, shaqaalaha caafimaadka, sayniska isboortiga iyo shaqaalaha tababarka, waxaan mar walba qaadanaa go’aamo, ma aha ciyaaryahanka, sababtoo ah ciyaaryahanku ma qiimeyn karo naftiisa.”
James ayaa hal kulan oo kooban u saftay England in ka badan hal sano Isaga oo badal ku soo galay kulankii uu xulka England 2/1 kaga badiyeen xulka Italy bishii March.