Kooxda Liverpool ayaa garaacday Everton kulan ka tirsanaa hroyaalka premier League oo ka dhacay Anfield.
Liverpool ayaa ku badisay 2/0 ay uga mahad celinayaan Mohamed Salah oo dhaliyay 2 gool ee ay ku badisay kooxdiisu.
Reds ayaa dhinaca kale ilaashatay shabaqeeda kadib markii ay Everton u diiday in ay wax gool ah ka dhaliso.
Liverpool ayaa shabaqeeda ilaashatay kulankii 4-aad oo xidhiidh ah oo ay premier League la ciyaareen Everton.
Tan ayaa ah markii ugu dheerayd ee ay Liverpool shabaqeeda ka ilaashatay Everton premier League tan ilaa April 1976 markaas oo ay 9 kulan shabaqooda ilaashadeen.