Waxaa magaalada Qardho ka furmay shir lagu heshiisiinayo laba beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex-martay deegaanka Sheerbi ee degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.
Shirkaan ayaa la doonayaa in lagu turxaan bixiyo wixii dhib ah ee dhacay, sidoo kalena xal waara iyo dib u heshiisiin loogu sameeyo beelahaas walaala ah si ay nabad iyo wadajir ugu noolaadaan
Shirkaan daahfurkiisa waxaa ka qayb-gallay Wasiirka Wasaarada Beeraha Puntland Axmed Shire, Wasiirka tamarta, macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah Carshe Awmuuse, Wasiiru dawlaha dekedaha Yuusuf Maxamed wacays dhado, Wasiir ku xigeenka dakhliga Carshe Puntland , gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Said Osman, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Xaaji, Taliyaha qaybta booliska gobolka karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud, Gudoomiyaha maxkamada gobolka Karkaar Abuukar Cabdinuur, gudoomiyaha degmada Waaciye Isxaaq Axmed Xasan, Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Puntland Cabdirisaaq Cali Cartan, masuuliyiin dawladeed, aqoonyahan iyo odayaasha labada dhinac.
Odayaasha ayaa maalinta beri bilaabaya lafa-gurka iyo xal u helista shaqaaqadaas ka dhacday deegaanka Sheerbi.