Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb ka ah shirka madaxeedka isbadalka cimilada Afrika, kaas oo maanta ka furmay Magaalada Nairobi oo ah Caasimadda dalka kenya.
Shirka oo socon doona muddo saddex maalin ah ayaa Soomaaliya waxaa ku matalaya Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, iyada oo la filayo in ay halkaas ku soo bandhigto waxqabadka iyo sida ay Soomaaliya uga jawaabayso la qabsiga iyo yaraynta Isbedelka Cimillada.
Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto oo shirka daahfuray ayaa ugu horreyn Madaxda ka soo qeyb gashay shirka ku soo dhaweeyey dalka, isaga oo carabka ku dhuftay in uu ku faraxsahay in dowladda Kenya ay marti galiso shirkaan.
Shirka ayaa ujeeddadiisu tahay in la soo saaro qorshe guud oo lagula tacaalayo isbeddelka cimilada iyo soo jeedinta qaab-dhismeed maaliyadeed oo caalami ah oo cusub kaas oo ay mas’uuliyiintu rajeynayaan inuu u horseedo horumar iyo ka dhabeynta wax ka qabashada isbadelka cimilada
Amaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyey gaar ahaan agagaarka xaruunta shirarka KICC ee magaalada Nairobi, iyadoo la xiray waddooyinka gala dhismahaas oo ah halka uu ka dhacayo shirku.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-makhzoumi oo shirkaan Soomaaliya ku matalaysa ayaa la filayaa in ay kulan duceedyo la yeelato qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb gashay shirkaan.