Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo bilihii lasoo dhaafay lays weydiinayay safarkiisa oo waqti badan qaatay, kuna sugnaa Imaaraatka, Kenya iyo Itoobiya ayaa dib ugu laabtay maanta caasimaddu Puntland ee Garoowe.
MW Deni oo muddo-xileedkiisa gabaabsi yahay ayaa lakulmaya caqabadaha hortuban nooca doorasho ee deegaanadan oo jahawareer ka jiro.
Qaar kamid ah kooxaha siyaasadda oo u qeybsan 4 qeybood iyo koox ah Muwaadiniinta heerka 2-aad ee PL oo madasha buuxiyey safka dambe ayaa shir uga furmay Garoowe.
Deni ayaa lagu eedeynayaa doonista mudo kororsi, xili uu bilo kahor sheegay in uusan jidkaas u socon, hayeeshee habdhaqanka Xukuumadda ayaa lagu tuhmayaa wadadan.
Maah maah ayaa ahayd” Waad Suufi Abaareed maradiisa Injir lagama qabto”
Yacni suufiyada waxaa lagu yaqaanaa in xoolaha dadka si baadil ah u cunaan iyagoo Awliyonimo iyo quraafaad ku aqriyo,Abaar markay ku dhacdo oo hilib la waayo Injirtay cunaan hadaad korkooda taabato adigoo injirta ka qaad isleh wey ku dilayaan.
Marka Siciid Deni waa sidaas oo waa nin wax cun baadil ah ku gaamuray.Laakiinse kuwa ka soo horjeedo waxba ma dhamaan Deni, oo waan niman sidaa iyagana Baadil iyo xoolaha shacabka Puntland dhicijiray ama dhici rabo,shacabka iminka waxba ma haystaan oo eber ayaa laga dhigay.Deni iyo kuwa ka horjeedo Injirta Maradooda saaran ha isku layaan ee yaanan Puntland dhulka lala Galin.
Siyaasiin Injirta cuna ayaa Somalia ku buuxa.