Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska Ousmane Dembélé ayaa xaqiijiyay inuusan qorsheyneynin inuu ka tago Barcelona suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, laakiin Paris ayaa ku guuleysatay inay qanciso.
Waraysi uu siiyay wargayska L’Equipe ayaa u sheegay”Xaqiiqdii, waxaan sheegay in aan sii joogayo Barcelona, laakiin ka dib markii aan la xidhiidhay Paris Saint-Germain, waxa aan ku qancay bixitaankayga”.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waan jeclahay Paris, waa koox Faransiis ah, waana jeclahay, qof walba oo halkaan jooga waxa uu ka hadlaa Paris Saint-Germain, waxaana sheegay in maalin uun aan u saxiixi doono kooxdaan”.
Waxa uu tilmaamay sababta uu go’aankiisa u bedelay, isagoo yiri: “Waxaan leeyahay saaxiibo badan oo taageerayaasha kooxda ah, mar walbana waxay isku dayaan inay igu qanciyaan in aan ku biiro kooxda PSG”.
Dembele ayaa 50 milyan ugu biiray kooxda ka dhisan caasimada France waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda PSG xilli ciyaareedkan.