Thomas Partey ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Arsenal inuu doonayo inuu ka tago kooxda bisha January xilli ay xiiseyneyso kooxda reer Talyaani ee Juventus.
Partey, oo 30 jir ah, ayaa si dhow loola xiriirinayay inuu ka tagayo waqooyiga London inta lagu guda jiro suuqii kala iibsiga xagaaga, waxaana raadineysay kooxda Sacuudiga Pro League ee Al Ahli.
Inkasta oo ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan xiddigii hore ee Atletico Madrid, Partey waxa uu baaqi ku ahaa Arsenal bilowgii xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu tan iyo markaas ku dhibtoonayay inuu helo waqti joogto ah.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa la tacaalaya dhaawacyo badan tan iyo furitaankii xilli ciyaareedka, waxaana laga yaabaa inuu boos ka helo kooxda Arsenal dhawaan iyadoo la soo jeedinayo inuu ka tagi doono.
Sida laga soo xigtay Tutto Mercato, Partey ayaa durba ku wargaliyay Gunners rabitaankiisa ku aadan inuu ka tago kooxda marka la gaadho suqua kala iibsiga Jnauary.
Wargayska ayaa sheegaya in kooxda reer talyaani ee Juventus ay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa Partey, marka loo eego baahida ay u qabaan khadka dhexe ee daafaca.