Wararka ka imaanaya caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheeyaya in ciidamada Amnigu ay gacanta ku dhigeen labo gaari oo siday qaraxyo, kuwaas oo ku wajahnaa gudaha magaalada.
Qaraxyada ayaa la sheegay in lagu qabtay kantaroolka magaalada Dhuusamareeb. Saxaafadda maxaliga ah ayaa tabisay in labo askari ay ku dhaawacmeen qabashada gaadiidkan.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud, oo ka hagalaya howlgalka lagula dagaalamayo argagixisada Alshabaab. Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo dhowaan ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay jiidaha hore ee dagaalka ayaa maalmo kahor kusoo laabtay Dhuusamareeb.
Alshabaab ayaa la rumeysan yahay in jab lagu gaarsiiyay dagaalka ka soconaya koonfurta gobalka Mudug iyo Galgaduud, balse ciidamada dawladda ayaa soo baneeyay badi dhulkii laga qabsaday argagixisada, taas oo la rumeysan yahay in howlgalka ay dhaawac ku tahay