Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican bishii October ee horyaalka premier League.
Salah ayaa abaalmarinta ku mutaystay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxda Liverpool bishii la soo dhaafay.
Mohamed Salah ayaa ciyaaray 3 kulan bishii la soo dhaafay waxana uu kooxdiisa guul ku hogaamiyay 2 kulan halka ay hal kulan oo kale bar-baro galeen.
Salah ayaa dhaliyay 5 gool 3-dii kulan ee uu ciyaarya waxana uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican horyaalka.
Salah ayaa abaalmarinta ku garaacay 6 xiddig oo kale oo ka mid ah xiddigihii sida fiican u ciyaaray bishii la soo dhaafay.