Erling Haaland ayaa Manchester City u gacan galiyay cabsi wayn ka hor kulanka Liverpool todobaadka soo socda kadib markii uu jug soo gaadhay intii uu ku guda jiray waajibaadka qaran ee Norway.
Weeraryahanka ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu noqon doonaa xiddig muhiim u ah kooxda Pep Guardiola xilli ay ku marti galinayaan kooxda kula tartamaysa horyaalka Etihad Stadium sagaal maalmood gudahood, laakiin Haaland ayaa laga yaabaa in uu tartan u galo sidii uu uga soo kabsan lahaa.
Weeraryahanka ayaa la soo galiyay qeybtii labaad ee ciyaar saaxiibtinimo oo Norway ay la yeelatay Jasiiradaha Faroe Khamiistii ka dib markii uu ku soo bilowday kursiga keydka.
Laakiin Haaland ayaa wajaheysa walaac cusub ka dib markii uu u muuqday inuu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay intii uu socday kulanku.
Tababaraha xulka Norway Stale Solbakken ayaa xaqiijiyay in Haaland ay qiimeyn ku sameyn doonaan shaqaalahooda caafimaadka, taasoo walaac ku noqon doonta taageerayaasha City.
“Waxay ila tahay inay si fiican u socoto. Laakin lama hadlin,” Solbakken ayaa u sheegay TV2 ee Norway.
“Ugu yaraan wuu ku soo laabtay ciyaarta sidaas darteed uma malaynayo in uu dhaawac halis ah yahay”ayuu sii raaciyay.