Wasiir ka mid ah dalka France ayaa xiddiga Karim Benzema ku eedeeyay in uu ku lug leeyahay oox argagixiso ah.
Benzema ayaa muujiyay taageerada uu u hayo Falastiin kadib weeraradii Israel.
Dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa si naxdin leh ku naf waayey oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal ah””Dhammaan ducada aan u duceyno dadka deggan Gaza oo mar kale dhibanayaal u ah duqaymo aan loo aabo yeelin oo ay ku dhinteen caruur iyo dumar”.
Garabkii hore ee Aston Villa Anwar El-Ghazi ayaa sidoo kale taageeray Falastiin dhanka internetka, iyadoo Mainz ay shaqada ka joojisay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Qoraalka uu Benzema soo dhigay baraha bulshada, ayaa waxaa dhaleeceeyay Gerald Darmanin, oo ah madaxa wasaaradda arrimaha gudaha.
“Karim Benzema waxa uu xiriir xun la leeyahay, sida aan wada ognahay, Ikhwaanul Muslimiinka,” ayuu u sheegay C News.
“Kaliya qoraalkaas, isaga [Benzema] waa wakiilka dacaayadda Hamas sababtoo ah Hamas waxay leedahay istaraatiijiyad ay ku burburinayso Israa’iil jir ahaan, laakiin sidoo kale inay burburiso Israel iyada oo loo marayo ra’yiga dadweynaha.”