Qaabka Erik ten Hag ula dhaqmay Harry Maguire iyo Jadon Sancho ayaa keentay in qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ay su’aal galiyaan hababka macalinka kadib niyad jab ay ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.
Mail Sport ayaa daaha ka qaaday horaantii todobaadkan in xiddigaha United ay ka cabsi qabaan qaabka aan macnaha lahayn ee uu kula dhaqmayo xiddigaha qaar ay Niyad jabinayso kooxda inteeda kale.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, qaabka uu ninka reer Holland ula dhaqmay Maguire iyo Sancho ayaa ah laba tusaale oo muhiim ah oo muujinaya sababta ay xiddiguhu uga wal-walsan yihiin Ten Hag.
Dhaqanka Ten Hag ayaa si weyn loo amaanay xilli ciyaareedkii hore marka la eego in uu isla sidaas ula dhaqmay xiddigii Crstiano Ronaldo kana caydhiyay kooxda ka hor inta uuna kooxda kula guulaysan koob sidoo kale kooxda u soo saarin champions League.
Si kasta ha ahaatee waxa timid hoos u dhac weyn oo dhinaca natiijooyinka qaab ciyaareedka ah iyada oo kooxda laga badiyay 8 kulan dhamaan tartamada oo dhan.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii ugu xumayd wakhtiga Man United iyada oo maalmo gudohood 3/0 looga badiyay 2 kulan oo xidhiidh ah.
Sidaas darteed dhaqanka qaar ka mid ah ciyaartoyada kooxda ayaa keentay in ay Xiddigaha Man United ka soo hor jeestaan tababaraha Man United.