Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Khaalid Binu-waliid oo ka tirsan CXD iyo ciidamado deegaanka ah ayaa ka socda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Khaalid Binu-waliid mid kamid ah ciidanka deegaanka si bareer ah ugu dileen gudaha degmada Maxaas taasi oo keentay in dagaalka qarxo.
Ciidanka Khaalid Binu-waliid ayaa magaalada si arxan darro ugu garaacaya hub culus waxaana jira khasaare kala duwan.
Dagaalkan ayaa u muuqda mishin wax badan la diyaarinayay xaaladda degmada Maxaas ayaana hadda kacsan