Arsenal ayaa soo saartay bayaan ay ku taageerayso Mikel Arteta waxayna wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay khaladaadka VAR’ kulankii ay guuldarada 1-0 ah kala kulmeen Newcastle Sabtidii.
Goolkii muranka badan dhaliyay ee uu Anthony Gordon u dhaliyay Newcastle ayaa kooxda Newcastle United ka caawiyay in ay garaacdo Arsenal.
VAR ayaa 3 jeer oo kala duwan si fiican u qiimaysay xaalada Goolka waxana ay ugu dambayn go’aamisay in uu Goolku yahay mid sax ah aakiin Arsenal ayaan ku faraxsanayn go’aankaas.
War qoraal ah oo ay Arsenal soo saartay Axadii ayaa lagu yidhi: ‘Kooxda kubbada cagta Arsenal waxay si kal iyo laab ah u taageeraysaa, hadaladii Mikel Arteta ee ciyaarta kadib waana wax aan la aqbali karin khaladkii ay VAR samaysay kulankii Sabtidii”.
“Waxaan sidoo kale jeclaan lahayn inaan qirno dadaalka weyn iyo waxqabadka weyn ee ciyaartoydeena iyo taageerayaasha”.
“Premier League waa horyaalka ugu fiican adduunka oo ay ku jiraan ciyaartoyda, tababarayaasha iyo taageerayaasha ugu fiican, kuwaas oo dhamaantood u qalma wax ka fiican waxa haatan dhacaya”.