Arsenal ayaa ku dhawaaqday in Declan Rice uu ku guulaystay abaal marinta ciyaartoygii ugu fiicnaa bishii August 2023.
Xiddiga ayaa ku guuleystey codkii ugu badnaa ee kooxda Arsenal kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay bishii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka cusub.
Rice ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah kooxda Gunners kulamadii ugu horeeyay ee horyaalka ee Arsenal.
Marka laga soo tago bandhiggii wacnaa ee uu ka sameeyay kulankii Community Shield ee ay ka badiyeen Man City, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sidoo kale wacdaro ka dhigay seddexdii kulan ee ugu horeysay Premier League.
Xiddiga ayaa kubada dib ula soo wareegay 17 jeer halka uu kubada dilay 4 jeer sidoo kale uu jabiyay weerarka kooxaha kale 4 jeer.
Rice ayaa ku guuleysatay 56% codadkii la dhiibtay, isaga oo abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Bukayo Saka iyo William Saliba.