What's Hot

    One person injured after fire at Tukwila Somali grocery store

    November 25, 2023

    Finland shuts more Russia border points, says asylum inflow must stop

    November 25, 2023

    Somali Pirates Hijack Iranian-Flagged Fishing Vessel off the coast of Eyl

    November 25, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Halgan Online
    • News
    • Sports
    • Arrimaha Bulshada
      • Caafimaadka
      • Jecelka
      • Waxbarashada
    • Politcal
      • Galmudug
      • Hirshabbelle
      • Jubbland
      • KGsomalia
      • Putland
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    • Contact Us
    Halgan Online
    Home » DDEG-DEG: Farmaajo oo u digay MW Xassan, kuna baaqay dhageysiga Puntland
    Mogadishu

    DDEG-DEG: Farmaajo oo u digay MW Xassan, kuna baaqay dhageysiga Puntland

    halganonlineBy halganonlineOctober 20, 2023No Comments2 Mins Read

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid doonista Villa Soomaaliya ee ka wax-ka-bedelka Hanaanka Haykalka dawladnimada dalka, isagoo sheegay in ay l dhibaatooyin waa weyn ka dhalan karaan.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Maxamed Farmaajo ku sheegay in ay qasab tahay in la maqlo codka Puntland, go’aan kasta oo la gaarana uusan sax noqon karin, haddii aan madasha wadatashiga Qaran aysan fadhiyin.

    Hoos ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Facebook.

    Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

     

    Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

    Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

    Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

    Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

    Wa billaahi Al-towfiiq

    Share. Facebook Twitter WhatsApp Telegram
    Previous ArticleMaxaa Israa’iil ka hortaagan inay dagaal dhulka ah ku gasho Qasa?
    Next Article Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo xoogeysatay

    Related Posts

    Mogadishu Mayor holds power companies accountable as fire ravages Hamarweyne market

    November 18, 2023

    La-taliyaha amniga Qaranka oo Gudoomiyey shir looga hadlay arrimo xasaasi ah

    November 16, 2023
    Add A Comment

    Leave A Reply Cancel Reply

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp
    Popular Posts
    ENGLISH NEWS

    One person injured after fire at Tukwila Somali grocery store

    By halganonlineNovember 25, 2023

    TUKWILA, Wash. — A large fire broke out at a Somali grocery store in Tukwila…

    Finland shuts more Russia border points, says asylum inflow must stop

    November 25, 2023

    Somali Pirates Hijack Iranian-Flagged Fishing Vessel off the coast of Eyl

    November 25, 2023

    African Peace March in Djibouti voices support for Palestinians

    November 25, 2023

    On our website Halgan online you get can all news related information also, we focus on many other categories and we hope you like also, the content of other categories that are maintained on our website.
    We're social. Connect with us:

    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok Telegram
    Top Insights

    One person injured after fire at Tukwila Somali grocery store

    November 25, 2023

    Finland shuts more Russia border points, says asylum inflow must stop

    November 25, 2023
    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • WhatsApp
    Facebook Twitter YouTube WhatsApp
    • About Us
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    • Contact Us
    © 2023 Halgan Online. Designed by Saitco Ict Solution.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.