Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona Lamine Yamal ayaa si rasmi ah u noqday 16 jirka ugu qiimaha badan taariikhda kubada cagta, marka loo eego xogtii ugu dambaysay.
Yamal ayaa jabiyay rikoodho badan tan ilaa markii loo soo dalacay kooxda 1-aad ee Barcelona isaga oo jira 15 sano iyo 283 maalin.
Xiddiga Yamal ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee kulan u safta Barcelona kulankii Real Betis ee bishii April.
Xilli uu sidoo kale noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya xulka qaranka Spain xiddiga ayaa sii wada jabinta rikoodhada.
Waxa intaas sii dheer in uu Yama haatan noqday xiddiga 16 jirka ah ee ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.
Waxa sidaas sheegay Transfermarket waxana haatanba lagu qiimaynayaa lacag dhan 50 milyan oo euro.