David Raya ayaa sheegay in uu xiriir ‘aad u caafimaad qabo’ la leeyahay Aaron Ramsdale ka dib markii uu ka bedelay goolhayaha koowaad ee Arsenal.
Raya ayaa Gunners ugu soo biiray amaah hal xilli ciyaareed ah oo ay kaga soo qaadatay Brentford iyada oo fursad u haysata in ay 27 milyan kula wareegaan xididga.
Ramsdale ayaa dookha 1-aad ee kooxda Arsenal Ka hor inta uuna Raya si toos ah ugala wareegin booska kulamadii ugu dambeeyay.
“Xiriirka? Aad bay u fiican tahay, “ayuu yidhi Raya.
“Dhammaadka maalinta, waxaan nahay saaxiibo, taas oo ah waxa ugu muhiimsan. Waxaan leenahay xiriir aad u caafimaad qaba. Dhibaato ma jiraan”.
“Waanu is riixnaa tababarka maalin kasta, hada wuu iga hooseeyaa laakiin waan riixaa”ayuu sii raaciyay