Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Hirshabeelle Cabdishakuur Shaashaa ayaa ka tacsiyeey Wariye Cabdulfitaax Qeys iyo Muslimiintii kale ee Khawaariijta ay Qaraxa La beegsadeen Alle ha u naxariiisto.
Si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynayaa Bahda Warbaahinta ee uu ka baxay iyo Ehel iyo Qaraabo intii uu dunida kaga tagay.
Eebe Janadii Firdowso haka waraabiyo intii uu katagayna Samir iyo Iimaan haka siiyo, inta aan aqaanay waxa uu ahaa Qof degen oo aan dhib badneyn, furfuran kana mid ah shaqsiyaadka tilmaaman ee Warbaahinta.
Abdishakur Shaashaa