Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar ayuu dhaawac halis ah soo gaadhay xilli uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa.
Neymar ayaa xulkiisa kala qayb galay kulan is reeb-reebka koobka adduunka ah oo ay la ciyaarayeen xulka Uruguay.
Xilli xulkiisa 1/0 lagu leeyahay Neymar ayuu soo gaadhay dhaawac halis ah daqiiqadii 43-aad ee qaybta dambe hore ee ciyaarta.
Neymar ayaa isku dayay in uu kubad jiito si uu xulkiisa ugu soo celiyo ciyaarta ka hor inta ayna qaybta hore dhamaan.
Laakiin xiddig Uruguay ah ayaa jalaafo u dhigay taas oo keentay in uu dhaawac halis ah soo gaadho.
Neymar ayaa garoonka looga qaaday sariirta dhaawaca kadib markii uu xitaa lugihiisa ku istaagi kari waayay.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka: