Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ahna Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyadu ku dhawaaqeen.
Waxa uu dhaliil kala dul dhacay siyaasiyiin badan oo falcelinta ay ka sameynayaan dagaalladaas uu ku sifeeyay in ay tahay mid dhibaato ku ah Ciidamada & guud ahaan howlgallada socda sidaas awgeed mar weliba looga baahan yahay in ay eegaan maslaxada Dalka.
Waare ayaa sheegay in la dhaliili karo oo laga aragti duwanaan karo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud balse aanay habbooneen in la isku dhex daro dhaliishaas & dhibaatooyinka ka hor imaan kara howlgallada.
Nimanka Siyaasiyiinta ah ee Dalka & dibadda jooga waxa aan leeyahay ilaahay ka cabsada, war ilmo ayaad leedihiin, waddankaan ayaa rabtiin in aad xukuntiin ama soo xukunteen, rajo ayaa idinku jirta, Xasan Sheekh in uu fashilmo darteed haka shaqeynina in wiilal Soomaaliyeed loo laayo, waddan kale ma qabno, wax noo baddelaayo lama arko, Xasan Sheekh Mucaarada haddii aad rabtiin balse waddanka iyo Wiilashada Soomaaliyeed u naxa, Qofka uu dagaal ku jiro ee aad bannaanka ka joogtid meelaha qaar laguma dhufto” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdi Waare.
Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa inta badan garab istaag u muujiyay Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin, Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Duubabka dhaqanka iyo shakhsiyaad kale.