Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Fuโaad Adeer oo uu weheliyay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Mudane A๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐ iyo xubnaha sare ee Guddiga.
Waxa kulankaas ka dib guddiga iyo xisbiyada ka qeyb galay kulankaas ay si wada jira u shaaciyeen waqtiga ay bilaabanayso ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐๐ฃ๐๐๐ก๐๐ฃ๐ฉ๐ ๐๐ฎ๐ค ๐๐๐ก๐ค๐ฌ๐๐ ๐ฌ๐๐๐ฎ๐๐๐๐ก๐๐ฃ๐ฉ๐ Doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka Puntland.
Guddiga Doorashooyinka Puntland Fuโaad Adeer oo shir jaraaid qabtay kulankaas ka dib ayaa sheegay in maadaama doorashooyinkii Puntland ay soo dhowaadeen xiligii la qaban lahaa uu guddigu shaacinayo in 16 Disembar ay bilaabayaan diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashooyinka.
Waxaa uu ugu baaqay xisbiyada iyo siyaasiyinta mucaaradka iney ka qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka Puntland, ayna muhiim u yihiin sidii Dimoqraadiyad loo hirgelin lahaa.
Guddigan ayaa horey u sheegay in doorashooyinka Madaxweynaha iyo golaha wakiilada Puntland la qaban doono bisha Febraayo, taasoo wax yar dhaafsiisan xiligii la qaban jiray doorashooyinka Puntland oo ahaa 8 Janaayo.
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili mucaaradka Puntland ee diidan sida uu wax u wado Deni ay magaacaabeen guddi kale oo doorasho qabta 8da Janaayo si la mid ah doorashooyinkii ugu horey uga dhacay Puntland ee lagu soo doortay Madaxweynaha iyo golaha Wakiilada.
HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAAโID