Cole Palmer ayaa daaha ka qaaday inuu iska indho tiray kuwii uga digay inuu ku biiro kooxda chelsea suuqii xagaaga.
21-sano jirkaan ayaa u muuqday inuu door weyn ka ciyaari doono kooxda heysata horyaalka intii uu hogaaminayay Pep Guardiola ka dib markii uu xiddig ka sameeyay xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay labada final ee Community Shield iyo European Super Cup.
Kadib markii ay kooxdu la soo saxiixatay Jermery Doku ayuu Palmer dareemay in ay ku adkaan doonto in uu boos joogto ah ka helo kooxda 1-aad.
Sidaas darteed waxa uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda si uu u helo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro waxana uu ku biiray kooxda chelsea.
Palmer ayaa xiddig muhiim ah ka noqday koxda Chelsea waxana uu haatan shaaca ka qaaday qaabkii uu isaga idha-tiray dadkii uga digayay in uu ku biiro kooxda chelsea.
“Waxay u dhacday si degdeg ah hadii aan runta ka hadlo”ayuu Palmer yidhi ku biirista chelsea.
“Waxa jiray dad badan oo ii sheegay in aanan aadin chelsea sabab la xidhiidha xiddigaha badan ee ay kooxdu haysato”ayuu sii raaciyay
“Laakiin waxba kama soo qaadin hadalka dadkaas waxana aan go’aansaday in aan ku biiro haatana wax fiican ayaan ka qabanayaa kooxda”.