Xulka qaranka England ayaa guul ka gaadhay xulka Malta kulan ka tirsanaa isreeb-reebka koobka Euro ee sanadka soo socda ka dhacaya dalka Jarmalka.
Tababaraha xulka qaranka England, Gareth Southgate, ayaa fursad siiyay dhowr waji oo cusub si ay ula ciyaaraan seddexda libaax markii ugu horeysay.
Cole Palmer oo garabka uga ciyaara kooxda chelsea ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee xulka qaranka England.
Palmer ayaa bedelay xiddiga Manchester United Marcus Rashford qeybtii labaad ee ciyaarta.
Palmer ayaa noqonaya ciyaaryahankii seddexaad ee Chelsea u ciyaara xulka qaranka England intii uu tababare Southgate hogaaminayay kooxda.
Shabakadda Tirakoobka Opta ayaa sheegtay in Chelsea ay noqotay kooxda uu Southgate uga yeero ciyaartoyda ugu badan intii uu xilka hayay.