Magaalada Muqdisho waxaa laga ambabixiyay Ciidamo ku biiraya howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaanno dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaana la dardaarmay Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka.
Mas’uuliyiinta la hadashay dhalinyaradaan ayaa kula dardaarmay in ay xoojiyaan ciidamada ka horreeya ee jooga furimaha dagaalka si howlgalkooda uu u noqdo mid wadajir u guuleysta waa sida ay hadalka u dhigeen.
Gen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud oo ah Xildhibaan hore iyo Agaasimihii Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ciidamada ku dhiirrageliyay in ay qayb ka noqdaan fulinta amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee la xiriira dardargelinta dagaalka.
Gaafoow waxa uu tilmaamay in ciidamadaan uu aaminsan yahay in ay kaalin weyn ka qaadan karaan howlgallada socda sidaas awgeed uu ula dardaarmay in ay doorkooda ka qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir iyo Xildhibaan Cadar Cali Maxamed ayaa wadajir u sheegay in ciidamadaan ay hordhac u yihiin ciidan kale oo lagu xoojinayo howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud.