Kooxda chelsea ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay Brentford kulan ka dhacay Staford Bridge.
Kulanka ayaa ahaa mid ay chelsea si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo maamulayay ciyaarta kana awood badnaa Brentford.
Kooxda Brentford ayaa dhinaca kale daafac ku jrtay iyaga oo ciyaaraya weeraro rogaal celis ah.
Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah iyaga oo aan waxba la kala dhalin.
Kooxda chelsea ayaa qaybta dambe sii waday raadinta goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.
Laakiin Brentford ayaa daqiiqadii 58-aad ka naxsatay chelsea waxana ay ka dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ethan Pinnock kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda chelsea ayaa cadaadis waali ah saartay kooxda Brentford si ay u dhaliso goolka bar-baaha laakiin Brentford ayaa si fiican u difaacatay.
Xilli ay chelsea ku mashquulsanayd goolka bar-baraha iyo keenistiisa ayay Brentford mar kale ka faa’iidaystay.
Daqiiqadii 90+6-aad ayay Brentford dhalisay goolka 2-aad waxana ay ka faa’iidaysteen khalad uu sameeyay Goolhayaha chelsea oo ka baxay goolkiisa si uu koorne ay kooxdiisu tuuranayso u galo.
Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Brnetford 2/0 kaga badisay kooxda chelsea.