Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waayi doonta xiddigaheeda muhiimka ah ee Casemiro iyo Lisandro Martinez illaa laga gaadhayo sannadka cusub, waxaana warkan xaqiijiyey tababare Erik ten Hag oo qirtay in aanu xisaabtiisa ku darsan doonin labadan ciyaartoy illaa laga gaadhayo Ciidda Masiixiga.