Sida laga soo xigtay wargeysyada, Portuguese Bruno Fernandes ayaa si badheedh ah uga hor istaagay Manchester United inay la soo wareegto mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan horyaalka Premier League.
Manchester United ayaa ku jirta kaalinta sideedaad ee kala sareynta horyaalka England Premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Man City.
Kooxda Ten Hag ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Man City taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo booska tababaraha.
Dhinaca kale, Kabtankii hore ee Manchester United Roy Keane ayaa ku baaqay in Bruno Fernandes laga xayuubiyo kabtanimada.
Ciyaartoyda kale ee Manchester United ayaa la kulmay dhaleecayn ka dib guuldarada Ka soo gaadhay Man City.
Man United ayaa suuqii xagaaga iska diiday saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Maddison sabab la xidhiidha in uu la qaab ciyaareed yahay xiddiga Bruno Fernandes.