Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga Bisha January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan boosaska ay ka jilicsan yihiin.
Kabtanka Kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa bartilmaameed u ah kooxaha horyaalka sucuudiga marka la gaadho suuqa January (Rudy Galetti).
Kooxaha Newcastle iyo Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Kalvin Phillips (Talksport).
Daafaca kooxda Liverpool ee Ibrahima Konate ayaa qirtay in uu jecelaan lahaa in uu ku biiro kooxda PSG (Canal Plus).
Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Thiago Alcantara (Fichajes).
Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Fluminense ee Andre waxana la filayaa in ay ka dhigto saxiixeeda suuqa January (Fabrizio Romano).
Tababarihii hore ee chelsea Lampard ayaa sheegay in uu doonayay in uu xiddiga Jude Bellingham keeno Blues ka hor inta ayna maamulku ka hor istaagin (Obi One podcast).
Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa loo sheegay in ay bixiyaan lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayaan xiddiga Inter ee Denzel Dumfries (Fichajes).
Kooxda Arsenal ayaa haatanba ka shalaynaysa in ay la soo saxiixato xiddiga Kai Havertz (SportsMole).
Xiddigii hore ee Arsenal iyo Man City ayaa xiddiga Mbappe kula taliyay in uuna ku biirin kooxda Real Madrid (Sun).