Kooxda Arsenal ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League waxana ay sii wadeen rikoodhkooda cajiibka ah ee xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay ka awood badnaayeen kooxda Bournemouth kuwaas oo daafac ku jiray inta badan ee ciyaarta.
Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 17-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo furay goolasha kooxdiisa
Arsenal ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka iyo maamulista ciyaarta iyaga oo doonayay in ay Dilaan ciyaarta.
Daqiiqadii 44-aad ayay Arsenal mar kale dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Martin Odegaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso waliba tahay kooxda fiican xilli Bournemouth u babac-dhigi kari wayday weerarada Gunners.
Qaybta dambe ayay Gunners ku bilaabatay si dar-dar leh waxana ay doonayeen in ay ciyaarta hurdo u diraan kana fogaadaan laba filaan dhaca.