Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Diyaar u tahay in ay aqbasho dalabyada u imanaya xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey marka la gaadho suuqa January.
Xiddiga ayaa mamulka Gunners ka codsaday in ay iska fasaxdo marka la gaadho suuqa January kadib markii uu ka baxay qorshaha Mikel Arteta.
Partey ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan isaga oo aan ciyaarin kulamo badan ilaa haatan.
Sida laga soo xigtay The Sun, Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga oo ay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga.
Kooxda Juventus ayaa la filayaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga iyaga oo xiiso u qaba kadib markii ay isku dayeen saxiixiisa suuqii xagaaga.