Halyeeyga Arsenal iyo Manchester City Gael Clichy ayaa isha ku haya kulanka ay wada ciyaari doonaan labadiisii kooxeed ee Man City iyo Arsenal kulan premier League.
Gunners ayaa marti galinaysa kooxda Man City kulan ka tirsan horyaalka premier League.
Kadib 7 kulan, Man City ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxaha Arsenal iyo Tottenham.
Xiddigii hore ee Clichy ayaa sheegay in kulanka Axada uuna go’aamin doonin horyaalka premier League.
Wali waa wakhti hore Man City iyo Arsenal in ay muhiim u noqdaan horyaalka sababta oo ah wali waxa jira dhibco la lumin doono”.
“Arsenal iyo Man City waa labadii kooxood ee ugu fiican horyaalka premier League 20-kii bilood ee ugu dambeeyay kulankooduna mar walba waa mid ay Arsenal ku dhibaatooto sabab la xidhiidha khabirada kooxda”.
“Waxan qabaa in ay Man City badin doonto kulanka, waxa ay wali leeyihiin tayo waxana ay haystaan Haaland oo Arsenal ku xumayn kara ciyaarta”ayuu sii raaciyay.