Jamie Carragher ayaa aaminsan in Manchester City ay wali tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League kadib markii ay 3-0 kaga badisay Manchester United.
Kooxda Pep Guardiola ayaa xasuuqday kooxda ay xafiiltamaan oo joogtay garoonkooda Old Trafford iyaga oo sii wada guulaha xidhiidhka ah ee premier Legaue.
Waxa aan dareensanahay in Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan”ayuu Carragher yidhi.
“Wali uma malaynayo in ay Liverpool si dhab ah ugu tartanto horyaalka premier League”ayuu Carragher yidhi.
“Arsenal waxa ay kula tartantay Man City horyaalka waxana ay u muuqdaan kuwo fiican laakiin uma malaynayo in ay u ciyaarayaan sidii xilli ciyaareedkii hore”