David Silva ayaa saadaaliyay in hal koox oo kaliya oo Man City kula tartami karta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
City ayaa ku guuleysatay koobkii seddexaad oo xiriir ah xilli ciyaareedkii hore sidoo kale waxay ku guuleysatay FA Cup iyo Champions League markii ugu horeysay xilli ciyaareed cajiib ah oo ay ku qaadeen seddexleey.
Waxa ay barbareeyeen guushii Si Alex Ferguson la gaadhay Man United, haatana Pep Guardiola ayaa doonaya inuu kor u qaado Premier League afaraad oo xiriir ah oo aan horay loo arag.
Kooxda Arsenal ayaa Man City kula tartantay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore ka hor intii ayna bur-burin kulamadii ugu dambeeyay.
Arsenal ayaa xoojisay kooxda suuqii xagaaga waxana ay la soo saxiixdeen xiddigo ay ka mid yihiin Declan Rice, Kai Havertz and Jurrien Timber.
Arsenal ayaa ugu danbayn ku garaacday City kulan ka tirsan Community Shield ka hor inta uuna goolka soo daahay ee Gabriel Martinelli guul ku gaadhin kulankii horyaalka ee ka dhacay Emirates.
Halyeeyga City David Silva ayaana aaminsan inay yihiin kooxda kaliya ee awooda inay mar kale la loolamaan City.
“Arsenal waa kooxda kaliya ee aan arki karo kuwaas oo laga yaabo inay fursad u helaan inay la tartamaan City,” ayuu u sheegay The Mirror
“Inta kale? Uma malaynayo inay awoodaan”.