Sugitaanka Arda Guler ee kulankiisii ugu horeeyay ee Real Madrid ayaa sii socon doona, iyadoo Tababaraha Los Blancos Carlo Ancelotti uu shaaca ka qaaday in xiddiga uu xaqiijiyay in uu xiddiga reer Turkey dhaawac cusub soo gaadhay.
18-sano jirkaan ayaan weli u safan kulankiisii ugu horeysay ee kooxda caasimada ka dhisan, isagoo qaliin jilibka ah lagu sameeyay bishii August ka dibna uu ka soo gaaray xanuun bowdada ah qeybihii dambe ee soo kabsashadiisa.
Guler ayaa ku soo laabtay tababarka todobaadyadii u dambeeyay, waxaana lagu daray labadii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdu ay la ciyaartay Rayo Vallecano iyo Braga ee La Liga iyo Champions League siday u kala horreeyaan.
Ka dib markii uu ka soo muuqan waayay Braga, Ancelotti waxa uu sheegay in kooxdu ay aad uga taxadirtay xiddiga maadama uuna xiddigu 100% ahayn diyaar buuxa.
Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka sabtida ee La Liga ee Valencia, tababaraha Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in da’yarka ay dhibaato cusub soo gaartay intii lagu guda jiray tababarkii ay isugu diyaarinayeen kulankii Braga.
“Nasiib darro waxay dhacday ka hor kulankii Braga, waxa uu markii hore u muuqday mid aan halis ahayn laakiin waxa wali jira xaalad laakiin ma ahan mid halis weyn ah”.