Goolhayaha Manchester United Andre Onana ayaa go’aansaday inuu u ciyaaro Cameroon koobka Qaramada Afrika ee bilaabanaya bisha January sida ay wararku sheegayaan.
Onana ayaa la filayay inuu seego tartanka ka dib markii laga saaray xulka Cameroon koobkii adduunka kadib markii ay isku dheceen tababaraha xulka.
Laakiin Onana ayaa lu soo laabtay xulkiisa kulankii ay 3/0 kaga badiyeen xulka Brundi bishii September.
United ayaan hubin in uu xiddigu ku laaban doono koobka Africa sanadka 2024 laakiin haatan Onana ayaa xaqiijiyay in uu ka qayb gali doono koobka.
“Xilligan la joogo waxa uu qorsheynayaa in uu ciyaaro kulan kasta oo loogu yeero,” Ilo ku dhow Onana ayaa u sheegay wargeysyada.
Koobka Africa ayaa bilaaban doona 13 January ilaa 11 bisha Februry ee soo socota.