Real Madrid ayaa waayi doonta adeega shan ciyaartoy oo kooxda kowaad ah kulanka sabtida ee Sevilla.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaa si wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedkooda 2023-24 ee horyaalka La Liga, iyagoo ka helay 24 dhibcood sagaal kulan oo ay ciyaareen.
Los Blancos ayaa 4-0 kaga badisay Osasuna ka hor fasaxa caalamiga ah, waxaana ay haatan dooneysaa inay shan guul oo xiriir ah gaarto tartamada oo dhan marka ay isbuucaan booqato Sevilla.
Thibaut Courtois iyo Eder Militao wali ka maqnaan doona kooxda sabab la xidhiidha dhaawacyo wakhti fog ah kadib markii uu dhaawaco jilibka ah soo gaadhay.
Nacho ayaa sidoo kale maqan, iyadoo daafaca qibrada leh uu ganaax ku maqnaan doono ka dib casaankii uu qaatay kulankii Girona dhamaadkii Sebtember, laakiin David Alaba ayaa ka soo laabtay dhaawac gumaarka ah.
Saxiixa cusub ee Real Madrid Arda Guler ayaa la filayaa in uu maqnaado inkasta oo uu ka soo kabsaday dhaawacii soo gaadhay.
Sidoo kale tababare Ancelotti ayaa xaqiijiyay in uu Dani Ceballos seegi doono kulanka kadib dhaawac soo gaadhay
“Dani Ceballos dhibaato ayaa soo gaartay, waxa uu ku maqan yahay kulanka berri…Arda Guler waa uu fiican yahay laakiin wali waxa uu u baahan yahay waqti”ayuuu yidhi Ancelotti.
“Ciyaartoyda waa fiican yihiin, ciyaartoyda South America si fiican ayay u soo kabsadeen” ayuu yiri tababaraha reer Talyaani.
“Vinicius [Junior], Rodrygo iyo [Federico] Valverde waa diyaar si ay ugu bilowdaan shaxda kulanka bari”.