Waxa fooda inagu soo haysa xaflada Ballon d’Or 2023 kaas oo la qaban doono 30 bishan haatan lagu jiro.
Wax yar ayaa inaga xigta in la doorto xiddiga ugu fiican adduunka sanadka 2023.
Xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Haaland, Salah, Messi, Mbappe iyo kuwo kale oo badan ayaa ka mid ah xiddigaha u tartamaya abaalmarinta.
Laakiin waxa Liiska laga reebay xiddigo badan oo ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan dhinac walba.
Ka hor inta aan la qaban xaflada todobaadka soo socda waxa shax laga sameeyay xiddigaha isla dhex waayay liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta.
Xiddiga kooxda Al-Nassr Cristiano Ronaldo, xiddiga kooxda Al-Hilal ee Neymar Goolhayaha Liverpool ee Alisson ayaa hogaaminaya shaxda.
Halkan hoose kaga bogo shaxda laga sameeyay xiddigaha laga reebay Abaalmarinta Ballon d’Or.