Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyay wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ujeedkiisu yahay sidii Koonfur Galbeed loogu bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhanka Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xudur, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweyne Laftagareen Hogaaminayey kuso dhoweyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Magaalada Xudur ayaa daaran dardargalinta Wajiga 2-aad ee Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda inta badan gobollada dalka.
Safarka labadaan mas’uul ee Xudur ayaa ku soo aadeysa iyada oo maalnimadii shalay Magaalada Baydhabo uu gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lama hubo in Madaxweyne Xasan uu gaari doona Magaalada Xudur.