Xiriirka Kubadda Cagta Colombia ayaa ku dhawaaqay in Aabaha dhalay Weeraryahankii kooxda Liverpool ee Luis Diaz ay sii daayeen Afduubayaashii kadib markii ay 12 maalin haysteen.
28 bishii October Aabaha dhalay Luis Daiz iyo Hooyadiis ayaa lagu afduubtay kaalin shidaal xilli ay baabuurka shidaal ku shubanayeen.
Hooyada Diaz ayaa la sii daayay saacado yar kadib markii la afduubtay laakiin abaaha xiddiga ayaa muddo dheer la raadinayay.
Xiddiga ayaa xiyaa kulankii Luton soo bandhigay fariin uu afduubayaasha kaga codsanayo in ay u sii daayaan aabihiis.
Haatan Xidhiidhka kubada cagta Colombia ayaa shaaciyay in ay Afduubayaashu sii daayeen aaabaha David Luiz.
“Xiriirka Kubadda Cagta Colombia wuxuu u mahadcelinayaa Dowladda, Ciidamada Milatariga iyo Booliska Qaranka, iyo sidoo kale dhammaan hay’adaha iyo mas’uuliyiinta ka shaqeeyay in la soo daayo aabaha Luis Diaz”.