Maxey As u qarxiyeen magaalada Buulo-Barde?
Gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa shalay duhurnimadii ka dhacay bartamaha magaalada Buulo-Barde kuwaa oo sababay khasaaro kala duwan oo isugu jira askar iyo shacab.
Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyootay toban kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan ismiidaaminta ah oo ka dhacay suuqa magaalada Buuloburte gaar ahaan qeybta hilibka lagu iibiyo.
Inta badan dadka wax ku noqday qaraxan ayaa ahaa dad rayid ah waxaana uu gaarigu qarxay xilli ay ciidamada ammaanka ay rasaas ku ridayeen gaariga.
Sidoo kale qaraxan ayaa ka dhashay burbur xoog leh oo soo gaaray guryihii ku dhowaa goobta uu ku qarxay.
Hotel ku dhaw halka uu qaraxa ka dhacay waxaa ku shiraya maamulka degmada Buulo-Barde, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale kuwaa oo ka shirayay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Waxaa Buulobarde ka socda abaabul xoogan oo Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada u dhaw dhaw oo ay ku sugan yihiin iyadoo ay xusid mudantahay in Buuloburde aad loola socda dhaqdaqdeeda.
Waxaa amniga guud ee magaaada Buulobarde gacanta ku haya ciidamada Jabuuti kuwaa oo ka hor tagaya islamarkaana sheegaya qaraxa inta uusan dhicin.
Sabtigii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin ay ku dhinteen ku dhawaad 30 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux uu ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan