Xiisada siyaasadeed ee mandiqada Puntland ayaa cirka isku sii shareertay maalmihii lasoo dhaafay, taas oo salka ku haysa doorashada Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland, maadama wax ka yar 2 bilood ay ka harsan tahay muddo-xileedka Xukuumadda hadda joogta.
MW Siciid Deni oo jimcihii lasoo dhaafay la hadlay shacabka Puntland, kaddib markii uu kasoo laabtay safar labo bilood ah oo uu kaga maqnaa deegaanka ayaa ku dhawaaqay aadista doorasho qof iyo cod ah oo xildhibaanada, madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka lagu soo dooranayo nidaamka xisbiyada siyaasadda. Balse, mucaaradka oo u badan siyaasiyiin kasoo jeeda goofka Garoowe ayaa si adag uga horyimid go’aanka Deni oo ay ku tilmaameen mid uu ku raadinayo muddo kororsi.
Mucaaradka oo hadalka Deni kahor iyo kaddib yeeshay kulamo ayaa carabaabay in ay lagama maarmaan tahay dagaal lagu horjoogsanayo damaca Siciid Deni, hasa yeeshee ma aysan cadeyn xilliga ay dagaalka la galayaan.
Puntlandtimes, ayaa ogaatay in M/weyne Deni oo kahor hadal-jeedintiisa la kulmay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) uu ku amray soo jeedinta iyo meelmarinta muddo kororsi 4 bilood ah, taas oo sal looga dhigayo qabashada doorasho qof iyo cod ah. Isagoo ballanqaaday difaaca damaciisa iyo in awood uu ku qaadsiinayo mucaaradka diidan.
Intaa kaddib, MW Deni ayaa u wareejiyay xafiiskiisa shaqo xerada 54aad ee duleedka Madaxtooyada Garoowe, taas oo saldhig u ah saraakiisha sare ee ciidamada Daraawiishta Puntland. Warsidaha Puntlandtimes, ayaa helay xogo sheegaya in Siciid Cabdullaahi uu kala hadlay saraakiil uu ku kalsoon yahay suuragelnimada dagaal ka dhaca Garoowe iyo diyaarinta ciidamada iyo hubka, halka uu dalbaday in lasoo gudbiyo baahida saad ee jirta iyo istiraatiijiyad ciidan oo lagu wajaho mucaaradka diidan qorshihiisa.
Dhankooda, mucaaradka ayaa wada abaabul ciidan iyagoo qeybsaday ciidamo iyo gaadiid dagaal oo looga hortago MW Deni. Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayay qorsheeyeen mucaaradku in lagula dagaalamo Siciid Deni, waxaana siyaasiyiinta goofku qaateen masuuliyadda dagaal ee lagu wajahayo ciidamada Deni ku diyaarinayo Garoowe, halka siyaasiyiin uu horkacayo Asad Diyaano oo hoostagaan ciidamada PSF oo mar ay isku wajaheen Deni Boosaaso, lagu qeybiyay in Deni ay kula dagaalamaan magaalo-ganacsiyeedka Boosaaso.
Xogaha ayaa intaa ku daraya in mucaaradku ay taageero dhaqaale ka sugayaan DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, si lamid ah taageeradii ay ka heleen dagaalkii ka dhacay Garoowe June 2023.
25 sano kaddib, shacabka Puntland ayaa qaba walwalka dagaal baahsan oo ka dhaca deegaanka, iyadoo ay muuqato in Isimadda dhaqanka ee mandiqadu ku guuldareysteen in mowqif mid ah ay ka gaaraan xaalada cakiran ee siyaasadda, lana kala safan yihiin dhinacyada is haya.