Xilli ciyaareedkan ayaa ku bilowday si cajiib ah iyada oo xiddigaha qaar haatanba wacdaro ka dhigeen xili ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha sida cajiibka ah ku bilowday xilli ciyaareedka.
Jude Bellingham (Real Madrid)
Kadib markii uu lacag badan ugu biiray Real Madrid, waxa la filayay in uu Bellingham wakhti ku qaato si uu ula qabsado kooxda.
Laakiin xiddiga reer England ayaa muujiyay in uuna u baahnayn wakhti uu la qabsado waxana uu dhaliyay 10 gool ilaa haatan halka uu caawiye ka noqday 3 kale.
James Madison (Tottenham)
Xiddiga ayaa isaga tagay Leicester City waxana uu u dhaqaaqay kooxda Tottenham waxana uu wacdaro ka dhigay premier League ilaa haatan.
Xiddiga ayaa dhaliyay 3 gool halka uu caawiye ka noqday 3 kale ilaa haatan xilli ciyaareedka.
James Ward Price (West Ham)
Xiddig kale oo khadka dhexe ayaa ah James Ward Price kaas oo si fiican ku bilowday xirfadiisa kooxda West Ham kadib markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii.
Julian Alvarez (Man City)
Xiddigan ayaa Man City ilowsiiyay De Bruyne kaas oo dhaawac kaga maqan kooxda tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka waxnaa uu dhaliyay goolal muhiim u ah kooxda Man City.
Serhou Guirassy (Stuttgart)
Xavi Simons (PSG)
Victor Boniface (Leverkusen)
Feran Torres (Barcelona)
Taki Kubo (Real Sociedad)